GoobJoog

Islaamnimo, Wadaninimo &
Dhexdhexaadnimo

Thursday
Nov 20th
Home warbixin Waa sidee Xaaladda Magaalada Gaalkacyo?.

Waa sidee Xaaladda Magaalada Gaalkacyo?.

E-mail Print PDF
Magaalada Gaalkacyo oo ah xarunta Gobolka Mudug waa magaalo marka aad aragto aad soo xusuusaneyso buuraha adduunka ugu dhaadheer iyo Jamallada kuyaalla Badaha, ciidda dhulkana waa gaduud goobaha qaar halka qeybaha kalena ay kayihiin ciid marka ay qoraxdu kudhacdo indhahaaga uu si aad ah u dhibayo, waxaana degan dad aad u fara badan oo hela adeega kala duwan oo Nooluhu uu u baahan yahay.

Waxaa kuyaalla Magaalada gaalkacyo Garoon Macmal ah oo ay kusoo degaan diyaaradaha hey’adaha samafalka mararka qaar iyo sidoo kale mid kamid ah Shirkadaha Duulimaad ee ka hawlgala wadanka Soomaaliya.

Waxaa si aad ah looga isticmaalaa Gadiidka Nooca loo yaqaanno MARKII gaar ahaan kuwa dhinaca dambe ka buuran sida aad sawirka ku arki kartaan, waxaana loo isticmaalaa kireyn ahaa iyo sidoo kale raaxo ahaan.

 

DHAQAALAHA GAALKACYO :-

Inta badan dhaqaalaha Gobolada dalka waxa ay ku xiran yihiin hadba sida uu u socdo dhaq dhaqaaqa Ganacsi ee Suuqa bakaaraha, waxaana Gobolada kale ee Puntland uu u soo maraa wax waliba oo loosoo wado wadona u ah magaalada Gaalkacyo, haddii ay dhacdo inay xiranto wadada gaalkacyo waxaa sicir barar uu ku dhacayaa qiimaha caadiga ah ee wax lagu kala iibsado ee Suuqyada gobolada Puntland ay tirsato.

Sarifka Lacagta Doollarka waxaa la kala siistaa halkii dollar 40.000 So.Shilin, taasi waxa ay ka dheertahay inta muqdisho lagu kala siisto 10.000 Sh.So.

Qofkii ay ugu horeyso Gaalkacyo waxa uu si aad ah ula yaabayaa marka uu suuqa soo aado, waayo qof waliba waxa uu soo qaadanayaa lacag aad u fara badan oo xittaa mararka qaar kaaga baahaneysa in aad bac kusoo shubato waana marka aad dooneyso in aad Suuqa kasoo adeegato.

Waxaa iigu yaab badnaa oo aan ku arkay Gaalkacyo markii aan galnay Maqaayad si aan uga qadeyno inaga oo ah 4-ruux nalaga qaaday qado aanan si wanaagsan uga dhergin lacag gaareysa illaa 400.000 Sh.So, markii aan weydiinay ninkii na hoggaaminayayna inta uu dhiibay lacagta sida ay u tiro badan tahay ayaa waxa uu inoogu jawaabay WAA INTII AAD KU QADEYSEEN!!!!!! Mana aysan la aheyn wax uu layaabo.

Darowalka Gaadiid aan kasoo raacnay garoonka Gaalkacyo ayaa inoo sheegay in ciddiisa uu biil ahaan u siiyo USD $300 lakin uu sheegay in aysan ku filneyn lacagtaasi ciddiisa oo bisha inta aysan dhammaan la weydiiyo lacag kale, waxayna igu noqotay shaqsiyan wax aan aad ula yaabay waayo waxaan ka imid dhanka muqdisho.

 

AMMAANKA GAALKACYO :-

Dhinaca Ammaanka, inkastoo dhibaato dhinaca dhaqaalaha uu kajiro ayaa hadana Ammaanka waxaa la is oran karaa waa goob aad u wanaagsan oo lagu amaani karo dhinaca Ammaanka.

Inkastoo ammaankaasi lagu amaanayo ayaa hadana waxaa dhanka koonfureed ee magaalada degan maamul la magac baxay Galmudug State halka qeybta kalena ay Puntland ammaankeeda gacanta ku heyso lakin majirto wax dhibaato ah oo ka dhex dhacda inkastoo beryahani dambe aysan aheyn is aaminaadooda sidii horey looga bartay.

Majirto xiisadooda wax saameyn ah oo ay ku yeelato Bulshada lakin waxaa maalmahani dambe kusoo kordhay Magaalada gaalkacyo Koox aanan la garaneynin oo bam inta ay meel ku tuuraan hadana isaga carara halkaasi isla markaasina aanan la ogeyn ujeedka ay ka leeyihiin qaraxaasi maadaana aanu jirin cid lala beegsanayo sida uu ii sheegay mid kamid ah dadka deegaanka.

 

TACLIINTA MAGAALADA

Dhinaca waxbarashada marka aan u gudubno waxaa kuyaalla magaalada Gaalkacyo iskuullo waaweyn oo isugu jira Hoose/dhexe iyo Sare oo ay dhigtaan arday aad u fara badan inkastoo ay ii suurageli weyday in aan tirakoobka dhabta ah ka helo.

Sidoo kale waxaa kuyaalla Iskuullo lagu barto Computer-ka, internet-ka, Luqadaha iyo sidoo kale mac-hadyo sare anigoo markaygii hore u heystay in ay tahay goob aan adeegyadaasi oo idil aanan laga heleynin lakin markii aan arkay wax weyn ayaa iska badalay fikirka aan ka aaminsanaa Gobolada dalka.

Qiimaha wax lagu barto ayaa ah kuwa kala duwan maadaama aanu jirin iskuullo ay maalgeliyaan hey’adaha waxbarashada iyo kuwa samafalka ee ku qaraabta in ay wax baraan dadka degan Gobolada dalka.

 

KHAATKA IYO GAALKACYO :-

Magaalada Gaalkacyo waa magaalo aad looga cuno khaatka lakin uu ka yahay qaali, waxaana khaatka oo sidaasi khaaliga uga ah aad ku arkeysaa iyadoo dad fara badani ay gadanayaan.

Mar aan wax ka weydiiyay qaar kamid ah qaade iibiyeyaasha ayaa waxa ay ii sheegeen in khaatka uu kala qiimo sareeyo, waxaana kuwa ugu qaalisan la iska siiyaa USD$ 50 halka kuwa kalena la iska siiyo USD $30, waxaadna si aad ah kaaga yaabinaya marka aad arakto dadka lacagta khaatka ku dhiibaya Shilinka Soomaaliga.

Waxaa maalin waliba kasoo dega garoonka macmalka ah ee Gaalkacyo illaa 2-diyaarad oo khaat keenta, waxaana looga sii gudbiyaa Garowe, Boosaaso iyo qeybo kale oo kamid ah Gobolada Puntland uu ka kooban yahay.

Waxaa aad iigu yaab badneyd markii aan arkay khaatka iyo sida looga isticmaalo hadana sida Idaacad la yiraahdo Radio Daljir ay digniinta weyn ugu sameysay khaatka iyo dadka cuna oo ay ka sameysay Barnaamijyo wacyi gelin ah si khaatka la isaga dhaafo, waxaana barnaamijyadaasi wacyi gelinta ah ay diiradda ku saaraan dhibaatooyinka uu khaatka ku hayo qoyska dhaqmaya iyo bahdilka uu ku sameynayo dhaqaalaha.

 

DHINACA WARBAAHINTA

Waa magaalo ay ku badan yihiin warbaahinta, waxaana kutaalla illaa 6-idaacadood kuwaasi oo kala ah:-

Idaacadda Codka Nabadda

Radio Gaalkacyo

Radio Daljir

Radio Alxikma

Radio Codka Mudug

Hagge Radio.

Idaacadahani dhammaan waa Mawjadda FM-ka marka laga reebo Radio Hage oo ka hadlay Mawjadaha gaagaaban waxaana dhammaan ay yihiin kuwa aan laheyn ama hoos taga maamul Goboleedka Puntland.

Xaaladda Guud ee magaalada Gaalkacyo oo aan booqasho kooban ku aaday intaasi ayaan kusoo koobayaa waana markii iigu horeysay oo aan Booqasho ku aado magaalada Gaalkacyo.

 

Bashir Mohammed

This e-mail address is being protected from spambots, you need JavaScript enabled to view it

 

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday!

Isbahaysiga Jabuuti oo Sinbiririxday! Isbahaysiga dib u xoraynta ee ku sugan Jabuuti ee uu gudoomiyaha u yahay Sh. Shariif Sh Axmed ayaa t...

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay

Sh Xasan Daahir Aways oo Khilaafkii Caqiido ka Dhigay Waxaa dhawaan dhagaystay waraysi uu Sh Xassan Daahir laga duubay oo uu kaga hadlay khilaafka u dhexe...

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa

Waxaan ku Cunin waa la Cunaa Markaad aqrinayso qoraalkaan waxaa dhici karta in aad ku jirto qol hagaagsan, isla markaana aadan qa...

Fahanka Islaamka: Quraanka iyo Nabadda

Fahanka Islaamka: Quraanka iyo Nabadda Waxaynu bartamaha uga jirnaa bisha barakaysan ee Ramadaan, oo caan ku ah inay tahay  bishii la soo ...

IGAD and its patient – a political check up

IGAD and its patient – a political check up Somalia was discharged from Mbagathi Hospital after Somalis formed the Transitional Federal Institut...

Global Financial Meltdown: Black Monday and Bailout Plan

Global Financial Meltdown: Black Monday and Bailout Plan Credit crisis began 13 months ago in August 2007 when the growing payment mortgages deficit, put mil...

Finding the Way Out of Clan Cul-de-Sac

Finding the Way Out of Clan Cul-de-Sac “Our lives begin to end the day we become silent about things that matter.” Dr. Martin Luther ...

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل

اتفاقية جيبوتي.. الطريق الدبلوماسي لإخراج المحتل   تم التوقيع في التاسع من يونيو/حزيران الجاري في جيبوت...

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟

اتفاقية جيبوتي .. هل ستنهي الصراع الصومالي؟ بعد أيام من الترقب وحبس الأنفاس منذ بدأ الحديث عن مفاوض...

Badeeco Rakhiis ah