U bood dhigaalka

Information ay ka tahay in aad ka tirto Facebook

Dadka waxaa ay inta Facebook ka buuxiyaan Macluumaad badan oo iyaga ku saabsan, mana oga arrinkaas in nafsadooda ay Qatar ku noqon karto.

Dadka waxaa ay Profilkooda ku qoraan dhamaan wax alla wixii noloshooda ku saabsan, taasi oo laga yaabo in noloshooda ay halis ku gasho.

Taariikhda Dhalashada….dad badan ayaa waxaa ay qoraan Taariikhda ay dhasheen, iyagoo ku faraxsanahay Tahniyadaha ay helayaan, Laakin ma oga in Taariikhdaas oo Number si ah uga dhigtay Lacagta Bankiga u taalo ama meelo kale, taasi oo khatar u keeni karta.

Khubarada qaar waxaa ay ka digayaan in la qoro Cinwaanka guriga aad degan tahay, waayo Khatarteeda ayey leedahay, xitaa marka aad Asxaabtaada casuumeyso ha ugu sheegin Facebook ee meel kale kula xiriir.

Waxaa kaloo muhiim ah in aadan sheegin meel aad ka shaqeyso ama xitaa meel aad wax ku soo baratay si aanay u fududaan in lagu garto ama Macluumaadkaada la helo.

Dhamaan Macluumaadka xasaasiga ah waxaad dhihi kartaa aniga kaliya aan arko oo ka qari dadweynaha, arrintaas oo adiga Nabadgalyadaada ay ku jirto.

Khubarada warbixinta soo saaray waxaa ay dadka uga digayaan in ay soo bandhigaan baraha bulshada Macluumaad noloshooda ku saabsan ama laga faa’ideysan karo.