U bood dhigaalka

Interpol Oo Soo Gudbisay Liis Ay Ku Qoranyihiin 173 Qof Oo Qorsheynaya Weerarro Ka Dhan Ah Yurub

Sheeko:Dalka

Booliska caalamiga ah ee loo yaqaano Interpol  ayaa soo gudbiyay liis ay ku qoran yihiin 173 qof oo ka tirsan ururka Daacish, kuwaas oo la sheegay in loo tobabarayo sidii ay qaraxyo uga geysan lahaayeen qaaradda Yurub. Ujeedka weerarradan ayaa waxaa lagu sheegay in Daacish ay uga aar gudaneyso jabka ka soo gaaray bariga dhexe.

INTERPOL ayaa heshay warbixiino ay soo aruuriyeen laamaha sirdoonka Mareykanka  ee ku sugan wadamada Ciraaq iyo Suuriya, sirdoonka ayaa sidoo kale soo gudbiyay magacyada  tobaneeyo ka tirsan raggaan, kuwaas oo maleegaya weeraro ay Yurub ka geystaan.

INTERPOL sida ay sheegtay dadkaan waxaa loo tobabarayaa  sida loo sameeyo qaraxyada waxaana laga yaabaa in ay u safraan dowladaha ka qeyb qaata howlgalka la dagaalanka argigixisada.

Sanadihii ugu dambeeyay ayaa qaar ka mida wadamada Yurub waxaa ka dhacayay weeraro ay ku dhinteen boqolaal qof waxaana sheegtay mas’uuliyadda weeraradaas Daacish.