U bood dhigaalka

Intii Ay Daba Qabasho Leedahay Galmudug Haloo Taliyo

Sheeko:War

Wali waxaa qasan xaaladdii siyaasadeed eeka taagnayd Maamul Goboleedka Galmudug. Waxaadna mooddaa in ay markaan marayso xaalad xasaasi ah oo haddii aanan si farsamaysan loo abaarin ay dhici karto in qaladka dhacaa uu billaw u noqon doono, isjiidjiid siyaasadeed oo sababi kara burburka Galmudug, kaas oo keeni kara dhimashada, dhaawaca iyo baaba’a hantida shacabka ku nool gobolka.

Ergadii Muqdisho Ka Timid Maxaa u Qabsamay?

Waxaa dhicisowday dhexdhexaadintii ay wadeen ergo ka timid Muqdisho, oo ahaa xildhibaanno iyo senetaro deegaan doorashoodkoodu yahay Galmudug.

Ergadaan, oo Muqdisho ku laabanaya iyagoo soo hungoobay, ayaa fashilkoodu wuxuu soo bilawday markiiba ay Muqdisho kasoo bexeen. Sababtoo ah, waxay ahaayeen ergo horay ay Filla Soomaaliya xurguf ugula dhexeysay, xurguftaan oo kasoo bilaabatay gudbintii Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax). Ergadaan waxaa ka mid ahaa xubno si toos ah baraha bulshada Filla Soomaaliya ku weerari jiray, (malaha haddii aad siyaasi tahay, xaddid dhaqdhaqaaqaaga baraha bulshada, si aysan berri caqabad kuugu noqon, una yarayn saameyn siyaasadeedkaaga). Khaladka kale ay ergadaan galeen waxay tahay in ay kasoo tageen xildhibaanno kale oo laga soo doorto Galmudug, kuwaas oo fikir ahaan la dhinac ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir (CGC) iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi (MXC). Haddii ay masuuliyiintaas iskood u imaan lahaayeen, wadahadalkana dhinacooda uugu soo biiri lahaayeen, waa laga mamnuucay in ay Cadaado yimaadaan. sidaas awgeed waxaa sahlanaatay in ergadii Muqdisho ka timid loo xagliyo in ay la  dhinac yihiin Madaxweyne Xaaf.

Cabsida Taagan

Maanta Cadaado, oo ah caasimadda ku meel gaarka ah e Maamulka Galmudug, waa kala qeybsantahay. Madaxweynaha Maamulka Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waa dhinac wuxuuna wataa koox xildhibaanno ah oo isaga taagersan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka CGC iyo Madaxweyne Ku Xigeenka MXC waa dhinac, waxayna wataan koox xildhibaanno ah oo iyaga taagersan iyo musharax madaxweyne, Axmed Cali Hilowle (Axmed Shariif), oo ay taageersanyihiin, sida lawada aaminsanyahayna laga soo diray Filla Soomaaliya. Waxaa la wada rumeysanyahay, in Filla Soomaaliya ay ka go’antahay in ay Galmudug madaxweyne uga dhigto siyaasi iyaga la safan. Hadafkaan Filla Soomaaliya waxay ku raadinaysaa si aan ganbasho lahayn, iyaga ood mooddo in aysan wali fikir galin haddii dagaal dhoco dhibka imaan kara. In wareerka ka taagan Galmudug ay Filla Soomaaliya ku qanacsantahay waxaa shakiga ka saaraya, wali kama aysan hadlin dhibta taagan, ergo uma soo dirin, welwelna kama aysan muujin. Middaan waxay ku abuurtay shacabka ree Galmudug shaki, qabiil ku salaysan, oo laga qabo maamulka Madaxweyne Farmaajo, oo horay u taageeray xilka qaadistii Cali Cosoble, Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug deegaan iyo dad ahaan u xiga ee Hirshabelle.

Hadeer xaalku wuxuu marayaa meel wax ka qabasho leh, waayo wali waxay maraysaa xaaladdu khilaaf siyaasadeed oo la xallin karo. Waxaasa imaan karta in kooxda CGC iyo MXC, oo 30kii Sebtembar magacaabay guddi doorasho, in ay Axmed Shariif madaxweyne cusub u doortaan. Tan waxay fursad u siinaysaa Axmed Shariif in uu miiska wadahallada dhiniisa kasoo fariisto, uuna noqdo culeys soo kordhay.

Waxaa imaanaysa in  maamulka tabarta daran ee Galmudug uu yeesho labo madaxweyne, labo madaxweyne ku xigeen, labo gudoomiye baarlamaan, labo gole wasiirro oo ciidan midkasta u gooni ah uu haysto, kuna kala nool laba saldhig -Madaxtooyada iyo Hoteelka Mansuur- oo isku jira in ka yar 1 kiilo mitir. Hadday labada cirif ee magaalada xattaa kala dagaan, wali magaalada dhirirkeedu waa ka yaryahay 6 kiilo mitir, waxa dhamina waa hal waddo, middaan oo isku dhacyada hubeysan markaas joogteyn karta.

Maxaa La Gudboon Ree Galmudug?

Maanta, odayaasha dhaqanka, culumada, (dhalinyaro Soomaaliya cid wax ka dhagaysata lama arko) iyo haweenka waxaa la gudboon in ay hubiyaan in Galmudug aysan ka dhicin isku imaad siyaasadeed oo gooni gooni an, illaa labada dhinac la isku keenayo, is afgaranwaagana lagu dhamaynayo wada hadal. Waxaa ree Galmudug la gudboon in ay magaalada ka saaraan Axmed Shariif oo amniga iyo xasiloonida Cadaado halis ku ah. Rajada muuqata ayaa nasiib wanaag ah, in wadahadalkaan ay odayaasha dhaqanku bilaabeen, kuna qanciyeen qaar ka mid ah xildhibaanadii Madaxweyne Xaaf “xilka ka qaadday” qodob ka mid ah baaq ay soo jeediyeen oo ah in ay joojiyaan kulamada siyaasadeed ee keeni kara sii fogaashaha kala fogaashaha. Haddiise ay taariikhdii hore wax noo ifinayso, heshiis kasta waa sahlanyahay in lugta la mariyo oo bariba lasoo tooso magaaladii oo laba madaxweyne leh.

Qoraalladii hore ee QoraagaFalanqeynta Is Qabqabsiga ka Taagan Maamulka Galmudug

W/Q: Sakariye Cismaan,

Zakariye, Waa Cilmi-baare iyo Falanqeeye arrimaha siyaasadda

Twitter: @SakariyeDhegnas

Goobjoog News, waxaa ay soo dhaweyneysaa fikradaha akhristayaasha, kala soo xiriir: [email protected]