U bood dhigaalka

IOM: 180 Muhaajiriin Ah Oo Hadda Lagu Daadiyay Badda Yemen

Sheeko:Dalka

Hey’adda socdaalka adduunka IOM ayaa sheegeysa in goordhaw 180 qof oo muhaajiriin lagu daadiyay badda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Yemen. 5 ka mid ah dadkaasi waa ay dhinteen, 50-na  waa la la’yahay ayey intaasi ku dareysaa IOM.

Saaka waxaa ay isla hey’addaas sheegtay in 50 qof oo kale oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah qasab loogu maasheeyay badda Yemen, badda tirada lagu daadiyay waa 120 qof, sidaa waxaa qortay hey’adda Organization for Migration (IOM).

IOM waxaa ay heleen meydka 29 qof, waxaa laga helay dadkaasi xeebaha gobolka Shabwa, in ka badan 22 muhaajiriin ah ayaa la la’yahay.

Hey’adda IOM waxaa ay sidoo kale sheegtay in illaa 55,000 muhaajiriin ah ay sanadkan u tillaabeen dalka Yemen, in ka badan  30,000 oo dadkaasi ka mid ah waxaa ay ka yar yihiin da’da 18ka sano

Goobjoog News