U bood dhigaalka

Isbaarooyin Sababay Kor u Kac Dhanka Maciishadda Ah Degmada Mahadaay

Sheeko:Dalka

Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellada dhexe iyo dadka ku nool waxaa dhibaato ku haya isbaarooyin si joogta ah loo dhigto taasi oo keentey maciishadda oo kacda.

Maxamed Nuur Maxamed o ka mid ah ganacsatada degmada Mahadaay oo aan la yeelannay wareysi ayaa sheegay iney ka cabanayaan sicir barar ay horseedeen isbaarooyin si aan nidaamsaneyn ugu soo kordhay degmada iyo hareeraheeda.

Maxamed Nuur ayaa sheegay iney isbaarooyinkaa uga cawdeen maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe balse ay u sheegeen iney la mucaamulaan iyagu, waaxaana hadaladiisi ka mid ahaa:

“Waxaan ka cabaneynaa maciishaddii oo kor u kacday, loorka  wixii lagu keeni jiray laguma keeni karo ugu yaraan 21 doolar ku dhawaad ayaa ku korartay, nimankii gobolka Shabeelaha Dhaxe joogay markaan u tagnay waxay leeyihiin idinku un la mucaamila”.

Maxamed ayaa sheegay in isbaarooyinkan xooggoodu ay 3 cisho un ku soo kordheen, isbaarooyinka ayuu ku sheegay iney u yaallaan ciidanka dowladda oo ku andacoonaya inaan wax mushaar ah la siin, waxa uu sheegay in xitaa isbaarooyinkii markii hore lacagta yar laga qaadi jiray ay hadda lacago ku kordhiyeen, arrinkaasina ay si aad ah u saameysay maciishaddii oo dadka qaali ku noqotay.

Ganacsadaha  ayaa noo sheegay haddii xaaladdu ay sida ku sii socoto in aaney shaqeyn karin, xubnaha maamulka degmaduna ay u sheegeen iney iyagu la mucaamilaan isbaarooyinka, iyagu aaney waxba ka qaban karin..

Si kastaba, waxaa dadka deegannada Shabeelooyinka dhibaatooyin culus ku haya isbaarooyin si filiqsan ugu daadsan waddooyinka oo lacago badan looga qaado gaadiidleyda, taas oo dhalisay in gacansataduna ay khasab ku noqoto iney badeecooyinkooda lacago kordhin ku sameeyaan,taas oo keenta iney maceeshaddu kor u kacdo danyartana dhibaato xoog leh ka soo gaarto.

Goobjoog News