U bood dhigaalka

Isbar-bar Dhigga Kalfadhiyada 1aad: Baarlamaankii 9aad Oo Ka Shaqo Badan Baarlamaanka 10aad

Sheeko:Baarlamaanka

Sabtidii shalay aheyd waxaa la xiray kalfadhiga 1aad ee baarlamaanka 10aad, kalfadhigan inta uu socday  xildhibaannada golaha shacabka waxaa ay qabteen shaqo ka yar shaqadii la qabtay kalfadhigii 1aad ee baarlamaanka 9aad.

Golaha shacabka baarlamaanka 10aad kalfadhigiisa 1aad ma sameyn xeer hoosaad cusub ama xitaa kii jiray waxba laguma darin, ma jirin qodobo dastuurka ah oo uu toosiyay ama laalay, Ma ansixin hindise sharciyeed, Ma jirin wufuud caalami ah uu la kulmay iyo booqashooyin heer caalami ah oo loogu yimid.

Sida ka duwan sidaasi aan soo sheegnay kalfadhigii 1aad ee baarlamaankii 9aad, waxaa la toosiyay ama la laaley qodobo dastuurka ka tirsan, waxaa ay la kulmeen Cathrine Ashton iyo mas’uuliyiin ka socday deeq bixiyeyaasha, UNDP, Sweden, Norway, Finland, Inter Peace iyo wadamo kale.

Intii kalfadhiga 1aad ee baarlamaankii 9aad uu socday waxaa ay xildhibaannada xaruntooda  kula kulmay gudoomiyaha baarlamaanka Jabuuti iyo wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga oo hadal ka jeediyay Golaha Shacabka.

Hadaba, inta aanan u guda gelin waxyaabaha laga gaabiyay kalfadhiga 1aad ee baarlamaanka 10aad bal aan fiirinno waxyaabaha ay ka sinnaayeen labada kalfadhi.

Waxyaabaha Ay Ka Siman Yihiin Kalfadhiyada 1aad Ee Baarlamaannada 9aad iyo 10aad:

Munaasabado:

  1. Dhaarinta Xubnaha Golaha Shacabka.
  2. Magacaabidda Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.
  3. Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka.
  4. Dhisidda Gudiga doorashada Madaxweynaha J.F Soomaaliya.
  5. Doorashada Madaxweynaha J. F Soomaaliya
  6. Dhaarinta Madaxweynaha J.F Soomaaliya.
  7. Dhaarinta Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka.
  8. Dhaarinta Ra’isul wasaare ku xigeen-ka
  9. Qeybinta Xeer hoosaadka iyo Ansixinta Xeer Hoosaadka
  10. Dhaarinta Golaha Wasiirada ee Xukuumadda J.F.S
  11. Dhaarinta W/Ku xigeenada iyo Wasiiru dawlayaasha.

Shaqada U Gaar Ah Baarlamaanka 10aad:

  1. Miisaaniyadda 3 bil
  2. Qeybinta guddiyada golaha
  3. Arrimaha abaaraha
  4. Doorashada Gudoomiyaha, G/ku xigeenada iyo Xo-hayaasha guddoonka Baarlamaanka.

Mooshinnada Baarlamaanka 10aad:

  1. Moohin Laga keenay Saldhigga Imaaraadka ee Bebera,
  2. Mooshinka wax ka badalka xukuumadda Khayre,
  3. Mooshin kalsooni siin ah xukuumadda Khayre
  4. Moosinka guddiga difaaca golaha ee ka dhanka ahaa dhismaha ciidanka xoogga dalka
  5. Mooshin wax ka badal qodobka 133(2) ee dastuurka KM ah ee Soomalaiya
  6. Ilaainta awoodaha dastuuriga ah

Warbixin Baarlamaanka 10aad:

  1. Warbixinta guddiga abaaraha
  2. Warbixinta guddiga difaaca
  3. Warbixin guddiga maaliyadda
  4. Qeybin sharciga buuxinta kursiga ka bannaadaada golaha shacabka
  5. Warbixin doorashada guddoonka gudiyada golaha shacabka
  6. Warbixin xaaladda abaaraha
  7. Warbixin Xeer ilaaliyaha guud ee qaran ee Dacwada Badda Soomaaliya
  8. Diyaarinta Booqasho deegaan

Qaraar Baarlamaanka 10aad:

  1. Qorshaha Hirgelinta doorashooyinka qaran 2020
  2. Qaraar ku saabsan dhismaha guddiga korjoogteynta gurmadka abaaraha
  3. Qaraar ku saabsan guddiga deg-dega abaaraha
  4. Qabinta qaraar ku saabsan dhaarinta iyo deeqaha uu xaq u leeyahay madaxweyne Xasan Sheekh
  5. Guddi loo saaray habraaca loo jaray gunnada xildhinaanada bisha Janaayo 2017-
  6. Mudada xilheynta baarlmaanka 10aad
  7. Wax ku kordhin qodobada xeer hoodaaka
  8. Qaraarka hab-dhismeedka Amniga qaranka ee guddiga difaaca iyo amniga  soo gudbiyay.

Miisaaniyad Baarlamaanka 10aad:

Codsi Ansixinta Miisaaniyadda 2017

Ansixin Miisaaniyadda sadex bil

Ansixinta Baarlamaanka 10aad:

Sharciga soo buuxinta kursiga ka bannaada golaha shacabka

Intaasi waa shaqada golaha shacabka ee baarlamaanka 10aad ay ku qabteen kalfadhigooda 1aad, waa waxqabad aad uga yar marka la bar-bar dhigo shaqadii ay kalfadhiga 1aad ku qabteen baarlamaankii 9aad.

Kalfadhiga 1aad Ee Baarlamaanka 9aad:

Shaqada U Gaar Ah:

Toosinta qodobka 138aad ee dastuurka

Laalidda qodobka 67aad iyo 135aad ee dastuurka

Heer hoosaadka Golaha Shacabka

Soo jeedin Mooshin:

December 12, 2012: soo jeedin(Mooshin) in la hor keeno Golaha Shacabka 25ka xubnood ee Golaha Wasiirada Cusub.

Miisaaniyad:

October 10, 2012: Ogolaashaha Miisaaniyadda 3da bilood eek ala ah October, Nov, December.

November 25, 2012: Ka soo talo bixinta Miisaaniyadda Baarlamaanka.

La Kulmidda Wufuud Caalami ah iyo Hay’addo Caalami ah:

  • Kulamada Caalamiga ah
  • La kulanka deeq bixiyayaasha
  • La kulanka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub Cathrine Ashton.
  • La kulanka xildhibaano ka socda dalka Finland.
  • La kulanka Wasiirka Iskaashiga Caalamiga ah ee dalka Sweden.
  • La kulanka UNDP Soomaaliya.
  • La Kulanka Inter Peace Soomaaliya.
  • La kulanka Wufuud ka socota dalka Norway.

Booqashooyin heer Caalami ah:

Booqashooyin:

December 12, 2012: Wafti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti iyo hadal jeedin uu ka jeediyay Golaha Shacabka.

December 14, 2012: Wasiirka arimaha dibadda ee Turkiga oo hadal ka jeediyay Golaha Shacabka.

Warbixino laga hor aqriyay Golaha Shacabka

  • October 10, 2012: Warbixin ay soo jeediyeen oday dhaqameedyadii soo xulay xubnaha Golaha Shacabka.
  • September 9, 2012: Warbixin Gudiga Talo Bixinta Xildhibaanada dhiman.
  • September 9, 2012: Warbixin Guddiga Doorashada.
  • November 3, 2012: Warbixinta Gudiga Talo soo jeedinta dib u eegista dib u eegista qodobada Dastuurka KMG ah.
  • December 18, 2012: Warbixinta Wasiirka Maaliyadda.
  • December 22, 2012: Warbixinta Guddiyada Golaha Shacabka.
  • December 30, 2012: Warbixin Sanadeed Kal-fadhiga 1aad ee 2012-ka.

Ansixino:

  • November 13, 2012: Ansixinta Xukuumadda Ra’isul Wasaare Saacid 219 Cod.
  • December 3, 2012: Anisixinta Xeer Hoosaadka.
  • December 26, 2012: Ka doodista iyo ansixinta Miisaaniyadda 2013.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye, 

Goobjoog News