U bood dhigaalka

Isbedelka Sarrifka Lacagta doolarka ee Suuqyada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa  laga dareemayay Labadii maalin ee la soo dhaafay, kadib doorashadii madaxweyne Farmaajo, hoos udhac ku yimid lacagaha doolarka Maraykanka ah oo gaaray heerkii  ugu hoosaysay sanado ah.

Maxamed Cali oo kamida ganacsatada Sarifleyda Muqdisho oo la hadlay Goobjoog ayaa waxa uu sheegay in lacagta doolarka ay hoos u dhacday isagoo sheegay Sarifka uu marayo gacanta hore lacag dhan labo malyan boqol iyo labaatan halka uu gacanta dambe uu marayo labo malyan iyo boqol ,waxaa sidoo kale halka doolar la sarifayaa suuqyada magaalada Muqdisho Labaatan iyo Kow oo shilin Soomaali ah.

Maxamed Cali ayaa waxa uu sheegay in isbedelka doolarka ay muujinayso ifafaalo dhaqaale iyo mid nabadeed oo dadka galayo, “Isbedelka waxaa keenay, waddankana ku soo kordhay dowlad cusub sarrifkii dowladdii cusbeyd waxaa ku yimid is bedel dadku waxay muujinayaan ifafaalo nabadeed iyo mid dhaqaale “.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa hoos udhac weyn laga dareemayay sarrifka lacagta doolarka oo si weyn u qiimo dhacday iyadoo shacabka Soomaaliyeed ay soo dhaweynayaan qiimaha hoos u dhaca lacagaha doolarka.

Dadka ayaa muujinaya rajo wanaagsan ee dhanka ganacsiga ah  maadaama uu waddanka uu galay  isbedel cusub waxaana lagu rajo weyn yahay in dowladda hadda dhalaty ay wax badan ay ka qabato dhaqaalaha waddanka oo aad u burbursan .

Goobjoog News