U bood dhigaalka

Isbitaalka Baledweyne Oo La gaarsiiyey Daawo

Sheeko:Caafimaadka

Xilli ay dawi yari aad u baahsan ay ka jirtay mudooyinkii dambe Isbitaalka dhexe ee magaalada Baledweyne, oo ay jiifaan bukaano qabo xanuuno kala duwan ayaa agaasimaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka waxaa uu soo gaarsiiyey daawo ka timid wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya.

Dr Axmed Khaliif oo ah isku duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Hiiraan ayaa kaga mahadceliyey wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya dadaaladii ay ku bixiyeen in dawadaan ay soo gaarto bukaanada jiifa Isbitaalka dhexe ee magaalada Baledweyne.

“Muddo dheer waxaan kuguda jirnay oo ilaahey nagu soo guuleeyay Isbitaalkaan Baledweyne in bukaanada u dhibaateysan dawo la’aanta in aan daawo u soo helno,daawadaasi waxaa qeyb weyn nagala qaatay wasaaradda caafimaadka “.

Dhanka kale goobta waxaa ka hadlay ma’suuliyiin ka socday wasaaradda caafimaadka ee maamulka Hirshabelle waxaana ka mid ahaa dadkii hadlay Saciido oo ah lataliyaha wasaaradda caafimaadka Hirshabelle.

“Daawooyinkaan dadka la soo gaarsiiyey waa bilow aad iyo aad ayaa ugu mahadcelinayaa wasaaradda caafimaadka”.

Isbitaalka dhexe ee Baledweyn ayaa waxaa jirtay waayihii dambe dawo yari,isaga oo ay jiifaan bukaano qaba xanuuno kala duwan.

Goobjoog News