U bood dhigaalka

Isbitaallada Guri-ceel Oo La Jiifiyay Dad Uu Soo Ritay Shuban Biyood

Sheeko:Caafimaadka

Dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka ayaa maalmihii ugu dambeeyay soo badanayay , waxaa la jiifiyay Isbitaalka Istarliin ee magaalada Guri ceel, dadkaan ayaa waxaa laga kala keenay degaanno hoos yimaada degmooyinka Guriceel iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Bukaanadan  ayaa waxay isugu  jiraan caruur,  haween iyo dad da’ ah kuwaas oo mudooyinkii ugu dambeeyay uu soo ridanayay cudurka shubana biyoodka waxaana hadda lagu dabiibayaa xaaladdooda caafimaad Isbitaalka Istarliin oo ah Isbitaalka ugu weyn magaalada Guri ceel  ee gobolka Galgaduud.

Maamulka Isbitaalka Istarliin ayaa  waxay sheegeen in hadda ay latacaalayaan xaaladdooda caafimaad dad kor u dhaafaya 30 qof.

Agaasimaha Isbitaalka Istarliin Dr Cali Cumar ayaa Goobjoog News uga warbixiyay xaaladda dadka uu soo ritay cudurkaan.

“ Deegaanno fara badan ayay nooga yimaadaan dadkaan uu soo ritay cudurka shuban biyoodka waxaana ka mida deegaannadaas Ceel buur, Nuxaas Xeraalle, Balambal markii hore dadka uu soo ridanayo cudurkaan way isla ekaan jireen balse hadda caruurta ayaa u badan, mana jirto cid u dhimatay “.

Dhanka kale maamulka deegaanka Docoleey ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay sii kordheyso tirda dadka uu soo ridanayo cudurka shauban biyoodka oo ka dilaacay deegaankaas.

Mahad Axmed Faarax xogheyaha maamulka deegaanka Docoleey oo la hadlay Goobjoog News ayaa waxa uu sheegay in dadka xaaladdooda caafimaad wax looga qaban waayo Docoleey ay u qaadi doonaan magaalada Cadaado si ay u helaan adeegyo caafimaad.

“ Deegaanka Docoleeyn waa deegaan aad u ballaaran, dadka uu soo ridanayo cudurka shuban biyoodka waxaa lagu xiraa faleebooyin laga keenay dhanka magaalada Cadaado, dadka reysan waayo waxaan u qaadnaa magaalada Cadaado “.