U bood dhigaalka

Isgaarsiintii Baardheere Oo Hawada Ka Maqan

Sheeko:Dalka

Wararka laga helayo degmooyin kamid ah gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay maanta go’an tahay isgaarsiintii degaanno kamid ah gobolkaasi.

Isgaarsiinta degmada Baardheere iyo degaannada ku xeeran ayaa gebi ahaanba hawada ka maqan, iyadoo aan la ogeyn sababaha ka dambeeya arrintaasi.

“Ma jirto wax isgaarsiin ah oo maanta ka shaqeyneysa degmada Baardheere waxaana gebi ahaanba shaqeyneynin shirkadaha isgaarsiinta oo telfoonnada lama dirsan karo lama soo wici karo” ayuu yiri qof la hadlay Goobjoog News oo jooga gobolka Gedo.

Ciidamada Itoobiya ee fadhigeedu yahay garoonka diyaaradaha ee magaalada Baardheere ayaa inta badan looga bartay inay hawada ka saaraan isgaarsiinta xilliyada qaar waxaana dib ay u soo laabataa saacado kadib.

Saraakiisha ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa arrimahaasi ku macneeya fulinta howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka inay hawada uga saaraan isgaarsiinta degmadaasi Baardheere iyo degaannada ku dhow dhow.

Xilliyada subaxdii oo hawadaisgaarsiinta laga saaro hawada ayaa duhurradii oo kale ay dib u soo laabataa sida caadiga ah magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Goobjoog News