U bood dhigaalka

Iskuulka 15 May Oo Dib Loo Furay, Lacag La’aan Ayaa Lagu Dhigan Doonaa

Sheeko:Dalka

Waxaa Isniintii dib loo furay Iskuulka 15 May, Iskuulkan oo Macalimiin Masaari ah wax ka dhigi doonaan, waxaa caruurta wax lagu bari doonaa lacag la’aan.

Si wada jir ah ayey xarigga uga jareen guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Mugadisho Taabit Cabdi Axmed iyo qunsulka Masar u fadhiya Soomaaliya Iskuulka 15-ka May oo dib loo furay .

Iskuulka 15-ka May ayaa hadda ka dib bulshada Soomaaliyeed waxay ku dhigan doonaan si bilaash ah sida ay sheegeyso Zeynab Maxamuud Warsame oo ah guddoomiyaha degmada warta nabadda.

“Waxaa sharaf weyn mudan oo aan rabaa in aan halkaan uga mahadceliyo,haddeysan ahaan laheyna eysan waxba noo suurto galin laheyn marka hore gobolka banaadir,marka labaad shacabka xanaaneynaayey Iskuulkaan oo sugayay munaasabkii iyo munaasabadii iyo dadkii mudnaa ee howshaan la wareegi lahaa,Iskuulka waxaa uu ka koobanyahay 23 Fasal oo midka ugu yar uu yahay shan mitir “.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Mugadisho Taabit Cabid Axmed ayaa sheegay in Iskuulkaan uu yahay muhiim iyagana ka maamul ahaan ay kaga dhigantahay muhiimad gaar ah,dowladda Masarna uu uga mahadcelinayo in macalimiinta dhigaeysa Iskuulka ay mushaaraadkkooda ay bixineyso.

Guddoomiyaha oo sii hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Iskuulkaan uu bilaash u yahay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed isga oo sigaar ah ugu baaqay hooyooyinka Soomaaliyeed in ay keenaan ubadkooda.

“Dhowr iyo labaatan sano ka dib Iskuulka 15-May in dib loo furo waa taariikh weyn, midda kale oo ka maamulhaan gobolka banaadir taariikh noo ah waxaa waaye dib u furista Iskuulkaan oo boqolkiiba boqol lacag la’aan ah,dowladda Masar anagoo uga mahadcelineyno macalimiinta Iskuulka dhigi doonta buugaagta Iskuulka lagu dhigi doona Unifoomka Iskuulka lagu dhigi doono wax walba oo Iskuulka ku saabsan boqolkiiba boqol waa lacag la’aan”.

Dib u hawlgalinta Iskuulka 15-May waxay ka dhigantahay guul kale oo u soo hoyatay jiilka Cusub iyaga oo ka faa’ideysan doono waxbarashada bilaashka ah.