U bood dhigaalka

Islamabad: Soomaaliya Oo Xubin Ka Noqtay Ururka COMSATS Iyo Xaflad Lagu Bogaadiyay

Sheeko:Dalka

Xaflad ay ka soo qeyb-galeen Marti sharaf ajaanib ah, mas’uuliyiinka ka socota hey’ado caalami ah iyo wasiirada Pakistaan ee Science iyo Technologyada iyo arrimaha dibadda ayaa lagu  bogaadiyay in Soomaaliya noqotay xubinta 26aad ee ururka  (COMSATS).

Soomaaliya ayaa horay ugu biirtay COMSATS, arrintan waxaa ay dhacday xaflad xarunta ururka ka dhacday bishii hore, heshiiska waxaa saxiixay Wasiirka Waxbarashada & TacliintaSare  Cabdiraxman Daahir Cismaan iyo agaasimaha COMSATS Dr. S. M. Junaid Zaidi. COMSATS waxaa ku jira dalal ka tirsan qaaradaha Yurub, Asia, Latin American iyo Africa.

COMSATS, waa urur dowli ah oo xaruntiisa ay ku taalo Islamabad, waxaana la aasaasay 1994,in ka badan 26 dal oo 4 qaaradood ah ayaa xubin ka ah, waxaa ay ka shaqeysaa horumarinta Science and Technology .

Goobjoog News