U bood dhigaalka

Isra’il Oo Wadahadalka Falastiin Ku Xirtay Sharuudo Adag

Sheeko:Caalamka

Isra’il ayaa waxay sheegtay in aysan wadahadal la furi doonin Falastiin oo ay ku jirto kooxada Xamaas, haddii aysan xarakada Xamaas dhigin hubka isla markaana yasana aqoonsan dowlad Israa’iil .

Israa’iil ayaa wadahadal siyaasadeed aan la furin xukuumadda Falastiin kadib markii ay isku biireen Fatax iyo Xamaas, Xamaas ayaa  loogu yeeraa inay tahay koox argigixiso oo dooneyso inay burburiso Isra’il.

Sharuudaha la hor dhigay Xamaas waxaa ka mida in ay jooojiso dagaalka xiriirkana u jarto dowladda Iran oo u muujiso Xamaas taageero milatari.

Isku dayo dib u heshiisiineyd ooh ore ayaa waxay ku dhamaadeen fashil marar badan,waxayna aheyd caqabada koowaad in Xamaas ay diiday dhigidda hubka iyo taasi oo garabkeeda milatari uu ka koobanyahay 25 kun oo dagaalyahanno ah.