U bood dhigaalka

Isticmaalka Mobillada Iyo Computerada Oo Laga Deyriyay Ka Hor Hurdada

Sheeko:Caafimaadka

Seynis-yanno  ka tirsan jaamacdda boqortooyada  London  ayaa waxay ka digayaan adeegsiga  teleefoonada iyo Computerada  la isticmaalo hurdada ka hor  iney keeni karto dhibaatooyin caafimaad daro  oo badan.

In badan oo ka mid ah teleefoonada casriga ah iyo Computerada  waxay noqdeen maanta qeyb ka mid ah nolol maalmeedkeena, iyadoo arrintaasi jirto ayaa hadana in badan oo ka tirsan Saynasyahanada dhanka caafimaadka waxay ka deyrinayaan adeegsiga  moobeylada iyo Computerada  iney halisa ku yihiin caafimaaka ayna  waxyeelo weyn ay gaarsiiyaan hab-dhiska neerfaha .

Ka dib baaritaano ay sameeyeen Seynis-yahannada ka tirsn jaamacdda boqortooyada London  ayaa waaxaa lagu ogaaday in 125kun oo caruur ah oo da’doodu u dhaxeyso 6, 19 sano iney isticmaalaan Moobeylada casriga ah iyo Computerada ka hor inta aysan seexan kuwaas oo ka cabanaayo dhafar hurdo la’aan walwal  qeybo badan oo ka mid habeenkii iyo maalintii.

Seynis-yahannada ayaa waxay hoosta ka xariiqeen iney jiraan in qalabkaas laga dhex helaayo qololka jiifka taasoo keeneysa ineysan  seexan caruurta oo ay isticmaalaan teleefoonada iyo Computarada  iyadoo maskaxda caruurata ay heegan u gasho iney lafal galaan qalabkaasi oo fariimo diraan ama ay ciyaaro kale ku ciyaaraan.

Saynasayahadanaan ayaa  waxay sheegeen in qalabkaas uu dhibaatoyin faro badan uu ku hayo caafimaadka waxana ka mida dhibaatooyinkaas iney qofka ay cuntada ay ka xiranto oo amateedka, inuu cayilo qofka , inuu hoos u dhac uu sameeyo shaqada uu qabanaayo habdhiska dhiiga cas,iney istaagto korniimada qofka.

Iyadoo hadaba ay jirto dhibaatada intaas la eg ayaa Saynasyhadaan waxay ku talinayaan in caruurta laga fogeeyo qalabka teleenada iyo kumpuyuutarada qololka ay jiifanayaan iyo in la xoojiyo in laga shaqeeyo  hab caafimaadka caaruurta ee hurdada.