U bood dhigaalka

Itoobiya: Maxkamad Xukuntay Dad Lala Xiriirnayo Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa xukun ku riddey 23 ruux oo lagu eedeeyay iney xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab.

Dadkaan ayaa la sheegay iney doonayeen iney askareeyaan muwaadiniin u dhalatay dalkaasi si ay uga barbar dagaallamaan Al-shabaab, waxaana dhammaantood lagu xukumay 15 sano oo xabsi ah.

Sidoo kale dadkaan ayaa la sheegay iney qorsheynayeen iney sanadkii 2010 ay dalkaasi ka fuliyaan weeraro.

Lama sheegin in dadkaan ay ku jiraan muwaadiniin Soomaaliyeed, maadaama xabsiyada dalkaasi ay ku jiraan dad Soomaali ah oo lagu eedeeyay iney xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Dowladda Itoobiya ayaa kamid ah dowladaha ciidamada usoo diray Soomaaliya si ay ula dagaallamaan dagaalyahannada Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News