U bood dhigaalka

Itoobiya Oo Gaaska Laga Helay Dhulka Soomaalida Itoobiya Dhoofin Ku Bilaabi-doonta 2019-ka

Sheeko:Dalka

Shirkadda China Poly Group  ayaa la sheegayaa in bilaabeyso dhoofinta gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaray dhulka Soomaalida Itoobiya bartamaha sanadka 2019ka, sidaasi waxaa sheegay wasiirka Petrolka dalka Itoobiya Motuma Mekassa.

Ceelashan waxaa lagu xiriiriyay tubooyin 700-kilometer (435-mile)  gaaraya, waxaana laga dhoofin-doonaa dalka Djibouti, Gaaskan waxaa loo dhoofin-doonaa qaaradda Asia.

Ethiopia ayaa waxaa ay baadi-goob ugu jirtaa gaaska dabiiciga ah iyo ilo kale oo dhaqaale si ay u sii xoojiso dhaqaalaheeda gaaraya  $72.3 billion , waana dalka ugu dhaqaale koboca badan Afrika.

POLY-GCL Petroleum Group,  waxaa ay heshiis wax soo-saar qeybi ah la gashay Itoobiya 2013kii, heshiiska ayaa waxaa uu ahaa in gaas dabiici ah laga baaro 117,151 square-kilometer oo ah dhulka Ogadenia ama Soomaali galbeed, waxaana muuqata in lagu guuleystay, hadana dhoofinta bilaaban-doonto.

Goobjoog News