U bood dhigaalka

Adis Ababa Oo Xirtay Baraha Bulshada Iyo Dagaal Socda

Sheeko:Dalka

Dowladda Itoobiya ayaa xirtay qaar ka mida baraha bulshada ay ku xariiraan, ka dib markii ay xoogeysteen iska hor-imaadyo u dhaxeeya qoomiyadaha degan daafaha kala duwan ee dalkaasi.

Madaxda Itoobiya ayaa xirty baraha Facebook-ga iyo Twitterka ka dib markii ay soo muuqdeen muuqaallada warbixinno ku saabsan in ciidamada amniga ay dileen labo qof oo kusugan gobolka Oromada.

Dibad baxyada inta ay socdeen ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 15 qof oo ay ku jiraan caruur iyo hawen.

Dhinaca kale, waxaa weli socda dagaal adag oo u dhaxeeya, qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee wada dega gudaha Itoobiya.

Mas’uuliyiinta gobolka Oromada ayaa waxay ku eedeynayaan ciidamada gaarka ah maamulka Soomaalida(Liyu) Itoobiya inay geysanayaan xad-gudubyo ka dhan ah qoomiyadda Oromo, iyaga oo dil ka waday degmooyinka qowmiyadda 4tii bil ee ugu dambeysay.

Oromada dhankeeda, waxaa  lagu waramayaa in ay dileen illaa 65 qof Soomaali ah oo ku noolaa dhulkooda.

In kasta oo ay sheegtay dowladda Itoobiya in ay xaaladda aaney weli faraha ka bixin laakin dagaalka Soomaaliya iyo Oromada ayaa sanad jirsaday, waxaana socdo qax.

Goobjoog News