U bood dhigaalka

Jaaliyadda Soomaalida Ee Turkiga Oo Arrimo Dhowr Ah Kala Hadli Doona Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in madaxweyne Farmaajo oo ku sugan dalkaa ay kala hadli doonaan arrimo badan sidii loo hormarin lahaa Soomaalida dalkaasi ku nool.

Mudallib Xaashi oo ah guddoomiyaha jaaliyaddaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, iney madaxweyne Farmaajo kala hadli doonan sidii ardayda ku sugan Turkiga loo dhiirogelin lahaa, sidoo kalena sare loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada ardayda Soomaliyeed.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha sidoo kale in si aad ah dalkaasi loogu soo dhoweeyay madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha dalka, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga, waxaana uu maanta la kulmayaa dhigiisa dalkaasi oo ay ka wada hadli doonaan xiriirka Labada dal.

Dowladda Turkiga ayaa ah dowlad si hagar la’aan ah u garab istaagtay shacabka Soomaaliyeed xilli marxalad adag ay jirtay, waxaana dalka ay ka fuliyeen mashaariic dhowr ah.

Goobjoog News