U bood dhigaalka

Jaamacadda Carabta: Isra’il Xiriir Waa Na Dhex Mari Karaa Haddii Ay Ka Baxdo Dhulka Ay Qabsatay 1967

Sheeko:Dalka

Uurka Jaamacadda Carabta ayaa  Sheegay Inay Israel  la yeelan doonaan xiriir haddii ay ka baxdo dhulk carbeed oo ay qabsatay dagaalkii 6-da maalmood ee 1967 dii

Hogaamiyaasha Carbeed ee ka qeyb galay Shir madaxeedka ururka Jaamacadda Carabta qeybtiisii 28-aad kaasi oo lagu soo gaba gabeeyay waddanka Urdur ayaa waxay sheegeen inay xiriiro Taariikhi ah ay la yeelan karaan Israel haddii ay ka baxdo dhulka Carbeed oo ay heesatay tan iyo sanadkii 1967, iyagoo diiday sidoo kale faraglin walba oo ka timaada gudaha iyo dibadda.

Sidoo kale hogaamiyaasha ururka Jaamacadda Carabta ayaa waxay sheegeen in dib loo soo celin doono wadahadalladii u dhaxeeyay Falastiin iyo Israel kuwaas oo ay sheegeen in lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac.

War-murtiyeed ka soo baxay shirka oo uu aqriyay xoghaya guud ee ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Qeyd ayaa waxaa lagu sheegay in dowladaha Carabta aysan doonaynin wax faragalin shisheeya ah.

Wasiirka arriamaha dibadda waddanka Sacuudi Carabiya Caadil Al-jabiir ayaa waxa uu sheegay in waddankiisa uu martigalin doono shirmadaxeedka ururka Jaamacadda Carabta qeybtiisa 29-aad kaasi oo dhici doono bisha Maarso sanadka 2018da, ka dib markii ay ka cudur daaratay dowladda Imaaraadka Carabta inay marti galiso.

Goobjoog News