U bood dhigaalka

Jaamacadda Carabta Oo Sheegtay In Lix Milyan Oo Soomaali Ah Gargaar U Baahan Yihiin

Sheeko:Dalka

Xogheyaha guud ee jaamacadda Carabta Axmed Abu-geyd ayaa maanta waxaa uu ku baaqay in si deg deg ah wax looga qabto abaaraha iyo dhibaatooyinka banii’aadanimada ee ka jira Soomaaliya.

Abuu-geyd waxaa uu intaa raaciyay in Soomaaliya u baahan tahay gargaar deg deg ah iyaga oo loo sii marinaayo hey’adda qaramada midoobey ama si toos ah ururka jaamacadda carabta.

Xogheyaha guud ee jaamacadda carabta waxaa uu sheegayaa in illaa 6 milyan oo Soomaaliya ay u baahan yahan yihiin lacag dhan US$25 million si baahidooda u daboosho 6da bil ee soo socota.

Mr. Axmed Abuu-geyd waxaa uu wacay qaar ka tirsan wasiirrada arrimaha dibadda ee Carabta isaga oo kala hadlay sidii macaawino u sii mari lahaayeen hey’ado gargaar ah si loo saacido malaayiin Soomaali ah oo baahan.

Jaamacadda Carabta waxaa ay sheegeysaa in arrintan ay hor u dhac u tahay tillaabo jaamacadda carabta ku dooneyso in wadamada Carabta, Islaamka iyo beesha caalamka loogu yeerayo in ay u gargaaraan Soomaaliya.

Goobjoog News,