U bood dhigaalka

Jaamacadda SIMAD Oo Qabatay Shirweynihii Labaad Ee Dhaqaalaha, Siyaasadda Guud iyo Maamulka

Sheeko:Dalka

Jaamacadda SIMAD ayaa soo abaabushay shirweynihii Labaad ee dhaqaalaha iyo siyaasadda guud iyo horumarinta maamulka (CEPAD2017).

Shirweynaha oo la qabtay Arbacadii 27, April, 2017, waxaa ka soo qeybgalay maamulka sare ee SIMAD, cilmibaarayaal, macallimiin iyo arday.

Shirweynahan ayaa ulajeedadiisu ahayd in la isku keeno cilmibaarayaal si looga doodo mawaadiicda ku saabsan dhaqaalaha,siyaasadda guud, mowduuca shirweynaha ayaa ahaa “Mustaqbal wanaagsan loo Abuuro Soomaaliya”.

Ugu horreyn Eng. Maxamud Maxamed Calsow oo ku hadlayay afka maamulka jaamacadda ayaa u mahadceliyay kasoo qeybgalayaasha iyo marti sharafta shirweynaha, waxa uuna si rasmi ah u furay shirweynaha.

” Aadbaan idinku soo dhaweynaynaa (CEPAD2017) shirweynahan cilmiyeed ulajeedkun yahay in la isku keeno cilmibaarayaal iyo mufakiriin iyo aqoonyahanno fikirka wax ku ool ah  iyo aqoontooda is wanaagsan isku dhaafsada”, ayuu yiri; Maxamud Maxamed Calsow.

Shirweynahan ayaa si dheellitiran oo habsami leh ku bilowday, 25 khabiir iyo culumo kala duwan ah ayaa ra’yigooda is weydaarsaday. Shirkana waxa uu ku soo gabagaboobay doodo aad u wanaagsan, waxaana la isla soo bandhigay arrimahihii ugu muhiimsanaa ee shirka iyo xalka ugu habboon ee  dhaqaalaha iyo siyaasadda guud iyo maamulka.

Markii uu shirku soo gabagaboobay ayaa waxaa halkaa lagu abaalmariyay macallimiin, arday dadaal xoog leh muujiyay kana mid ahaa ardaydii iyo macallimiinta Jaamacadda SIMAD iyo dadkii kaalinta wanaagsan ka qaatay shirweynaha CEPAD2017.

Jaamacadda SIMAD ayaa ka shaqeysa dhiirigelinta cilmibaarista iyo horumarinta joogtada ah, si loo helo goobo cilmiyeed looga doodo arrimo muhiim ah iyo horumarinta aqoon tayo leh, takhasusaad kala duwanna wadata.

Goobjoog News