U bood dhigaalka

Jaamcadda Cambridge oo Gabi ahaanba Joojineysa Qalin-qoraalka Imtixaanaadka

Sheeko:War

Jaamacadda Cambridge ee laga leeyahay dalka Ingiriiska isla markaana kaalinta 2aad kaga jirtay liiska kala sarreynta jaamacadaha adduunka, ayaa ku gudo jirta qorshe ay gabi ahaanba ku joojineyso Imtixaanaadka gacan qoraalka.

Fikaraddan ayaa dhalatay kadib markii ardayda inta badan la arkay iney ku qishi karaan computer-ka iyo qalabka kale ee elektaroonigga ah oo ay  ku qortaan notes xilliyada daruusta jaamacadda lagu guda jiro.

Macallin ka tirsan jaamacadda ayaa sheegay iney dhibaato xoog leh ku qabaan akhrinta qolaalka ganacta maxaa yeelay, ardayda intooda badani wax kuma qoraal gacantooda.

Sarah Berchal oo ah Professor taariikhda ka dhigta jaamacadda Cambridge ayaa jariidada The telegraph u sheegtay “Muddo sanooyin ah ayaa la dhibaatooneynay far xumida qalin qoraalka caadiga ah ee ardayda, sanadba sanadka ka dambeeya dhibaatadii way kasii daraysaa”, iyadoo arrintaa loo aaneynayo waxa ay ardaydu wax ku qortaan oo u badan qalabka elektaroonigga.

Sir Anthony Saldon oo guddoomiye ku xigeenka jaamacadda ayaa aaminsan in khadka qalinka uu muddooyinkii dambe sii baaba’ayo sidaa darteedna ay tahay iney jaamacaddu u weecato dhanka qalabka elektaroonigga ah oo dunidan casiriga ah si gaarka ula jaanaqaadaya.

Ugu dambeyn, Afhayeen u hadlay jaamacadda Cambridge ayaa sheegay in dib u eegista qalin qoraalka imtixaanka ardayda ay timid kadib markii arday badani ay ka gudbiyeen cabasho, maadama waxa ay adeegsadaaan ay yahay qalabka elektaroonigga ah.