U bood dhigaalka

Jadwalkii Imtixaanka Midaysan ee Dugsiyada Sare ee Dalka oo Lasoo Saaray

Sheeko:Dalka

Wasaaradda waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay jadwalka imtixaanka Qaran ee sanad dugsiyeedka 2016-2017.

Jadwalkan ayaa waxaa lagu soo muujiyay maalmaha kala duwan, maaddooyinka ay ardaydu geli doonaan, saacadaha maaddooyinka iyo xilliyada Break Time-ka ee ay ardaydu qaadanayaan.

jadwalka-imtixaanka-dugsiyada-sare-ee-dalka

 

 

Imtixaanka midaysan ee sanadkan ayaa waxaa u fariisanaya arday 23, 000 oo arday gaaraysa oo ka kooban dalka oo dhan, marka laga reebo Somaliland iyo Puntland oo iyagu si gaar ah u qaadi doona imtixaankooda shahaadiga ah ee dugsiyada sare.