U bood dhigaalka

Jeneraal Saacid: Waxaan La Imaan Doonnaa Qorsheyaal Amniga Lagu Sugayo

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) oo maalintii shalay ahayd xilkaasi la wareegay ayaa sheegay in ka talis ahaan ay la imaan doonaan qorsheyaal badan oo wax looga qabanayo amniga guud ee dalka.

Taliyaha ayaa ugu horreyn sheegay in muhiim ay tahay wada shaqeynta shacabka oo uu tilmaamay in la’aantood aaney suurtagal ahayn in la sugo amniga guud ee dalka iyo kan gaar ahaaneed ee magaalada Muqdisho.

Shacabka ayuu sheegay iney ka dalbanayaan wada shaqeyn si looga hortago falal amni xumida ah, ayna soo sheegaan cid walbo oo Al-shabaab ka tirsan.

“Shacabku waxay kaalin weyn ka qaadan karaan arinta amniga, booliis kaliya ma ahan waxa amniga wax ka qaban kara, 100 kun ciidan iyo qalab walbo haddii la keeno ma ahan wax dabooli kara amniga, shacabka dhibaatada ugu badan iyaga ayeey ku dhacdaa, haddii Saddex qarax dhacaan 70% waxaa lagu laayaa shacab aan waxbo galabsan, waxaa nasiib darro ah qofka isagoo arkaya meesha lagu sameynayo qaraxa iyo meesha ay ku dhuumanayaan soo sheegi waayo, waxaana filayaa in dhibaatadaasi aakhiro iyo adduun dhinac ka taabaneyso, shacabka haddii ay adeegaan waxaan hubnaa in ciidamada waxa ugu qaalisan oo naftooda ah ay hurayaan” ayuu yiri Jeneraal Saacid.

Taliye Saacid oo hadalka sii wata ayaa sheegay in ay diyaarinayaan qorsheyaal adag oo ay ku wada howlgeli doonaan Booliiska iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Caasimadda iyo dalkaba shabaab oo koox yar ah uma afduubnaan karto muddo intaan ka badan, umadda Soomaaliyeedna maanta dhibaatada wey soo kartay waxaana tusaale u ah gobollo badan oo shacabka ay ka dhiidhiyeen dhibaatada ay sameynayaan lana kaashadeen ciidamada amniga waxay ku guuleysteen in falal noocaan kale ah ay fulyaan, waxaan la imaan doonnaa qorsheyaal adag oo shacabka ku howlgelineyno annagana ku howlgaleenno ayaan dooneynaa inaan kusoo kordhino ammaanka caasimadda” Taliyaha hadalkiisa intaa ku daray.

Inta badan saraakiisha kala duwan ee ciidamada ammaanka ayaa wada shaqeyn dhab ah ka dalbad shacabka Soomaaliyeed si loo sugo amniga guud ee dalka.

Goobjoog News