U bood dhigaalka

Jowhar: Ciidamada Ammaanka Oo Howlgallo Dad Kusoo Qabtay

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay howlgallo amniga lagu sugayey ka sameeyeen degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada ayaa howlgalkaan waxay ka sameeyeen xaafadda Hanti wadaag ee magaalada Jowhar,  kadib qarax Bam oo habeenkii xalay ahaa lagu weeraray hoyga mid kamid ah waxgaradka aadka looga yaqaan degmadaasi.

Qaraxaasi waxaa ku dhaawacmay Hal ruux, hase ahaatee askar halkaasi ku sugneyd oo damcay iney ka daba tagaan dadkii Bamka soo tuuray ayaa waxay la kulmeen rasaas iska cabin ah, waxaana halkaasi ku dhintay Hal askari, waxaana dhaawacmay mid kale.

Goob joogayaal ku sugan Jowhar ayaa u sheegay Goobjoog News, iney arkeen ciidamada ammaanka oo dhanka saldhiggaasi usii wada dad badan oo tiro ahaan gaaraya 20.

Dhanka kale Goobjoog News, ayaa xiriir la sameeysay saraakiisha amniga ee Jowhar si ay howlgalkaan u faah faahiyaan hase ahaatee waxay sheegeen in saacadaha soo aadan ay ka warbixin doonaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News