U bood dhigaalka

Jowhar: Dhallinyaro Shaqo Abuur Ka Dhigtay Kalluumeysiga (Maqal)

Sheeko:Dalka

Dhallinyarada ku dhaqan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxay shaqo abuur ka dhigteen kalluumeysiga, iyadoo dhallinyaro badan ay shaqadan ku biireen.

Qaar kamid ah dhallinyaradan oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in qarash fiican ay ka helaan kalluumeysiga, maadaama Jowhar aad looga isticmaallo hilibka Kalluunka.

Mustaf Cabdi Daadshow oo kamid ah dhallinyaradan wuxuu sheegay in markii hore uu kaxeyn jirey gaaari dameer, hase ahaatee uu qarash ka waayay, balse markii uu noqday qof kallumeysta uu maalintii uu helo ugu yaraan 1 milyan oo shilin Soomaali ah.

Inkastoo Yaxaas uu ku jiro Wabiga mararka qaarna ay naftaada halis geli karto, waxay dhallinyaradan u arkaan shaqadan iney tahay mid ka wanaagsan shaqo la’aan.

Halkan ka dhageyso Warbixinta

Cismaan Cabdalla Cismaan

Goobjoog News

Jowhar, Sh/dhexe