U bood dhigaalka

Juxa “Idaacadaha Ka Ogaaday In Xilkii La Iga Qaaday”

Sheeko:Dalka

Wasiirkii arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshisiinta xukuumadda Federaalka, Cabdi Faarax Juxa ayaa ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyay iyo sida uu ku ogaaday in xilka laga qaaday.

Juxa ayaa sheegay in isaga oo ku socda garoonka Aadan Cadde si uu u agaasimo booqasho uu madaxweynaha Puntland ku imaanayo Muqdisho uu idaacadaha ka maqlay in xilka laga qaaday.

Waxa uu u mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo cid walbo oo la shaqeysay.

“Waxaan saaka aniga oo Airport-ka u socda, si aan u agaasimo booqashada Madaxweynaha ee Puntland, idaacadda ka ogaaday in Xilkii Wasiirnimo layga qaaday, xilku waa meerto waana loo siman yahay, waxaan u mahadcelin Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Khayre oo igu sharfay inaan Xukuumaddooda ka mid noqdo” ayuu kusoo qoray bartiisa Facebook.

Cabdi Faarax Juxa ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay “Dalku waa Federaal, taladu waa wadaag, Dantuna waa isku tolan, xataa haddii fekerka lagu kala duwan yahay, raali gelin iyo Cafis dhammaan intii aan qoobka isaga istaagnay intaan xilka hayay feker ahaan iyo shaqo ahaanba”

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xilkii ka qaaday wasiirada Arrimaha Gudaha, dibadda, warshadaha iyo ganacsiga.

Goobjoog News