U bood dhigaalka

Kadib Markii AMISOM Iyo Kenya Iska Fogeeyeen…Yaa Dilay 131 Qof Ee Rayidka Ah?

Sheeko:Dalka

AMISOM iyo Kenya ayaa iska fogeeyay in Soomaaliya ay ka gesyteen arrimo ka dhan ah xuquuqul aadanaha, arrintan waxaa ay timid kadib markii UNSOM iyo UN Human Rights ku eedeeyeen ciidamada Kenya iyo kuwa AMISOM in ay dileen 131 oo Soomaaliyeed oo rayid ah inta u dhaxeysay January 2016 illaa October 2017.

Madaxa AMISOM Francisco Madeira oo ka jawaabayey eedeynta Q.M waxaa uu sheegay in aaney jirin ciidamo kuwooda ah oo geysatay dil sharci darro ah iyo xad-gudub jinsi “Waxaan aragnaa in warbixintan ay been ka buuxdo marka la fiiriyo dhacdooyin la sheegay in ay ku lug- lahaayeen AMISOM iyada oo laga tagay niyad wanaagga iyo waxqabadkii loo dan-lahaa”waa jawaab uu bixiyay December 8, 2017.

Madeira waxaa uu intaasi ku daray in aaney warbixinta ku kala cadeyn ciidamada AMISOM ah iyo kuwa aan aheyn, arrintaas oo keeni karta sida uu sheegay caad soo food-saara cidda mas’uulka ka ah.

Francisco Madeira,  waxaa uu carabka ku adkeeyay in aanay AMISOM mas’uul ka aheyn ciidamada aan ku jirin ee jooga gudaha Soomaaliya, arrintaasina wax laga weydiinayo dowladda federaalka ah.

AMISOM waxaa kale oo ay iska diiday kufsi ay ciidamadooda u geysteen gabdho 14 iyo 17 ji ah, kaas oo ka dhacay sida la sheegay Ceel-buur, iyaga oo sheegay in Ceel-buur aaney tagin AMISOM oo Al-shabaab ay heystaan, Isbitaal-ka Xalane ee gabdhaha la dhigana aanu ku oolon degmada.

AMISOM, waxaa ay sidoo kale wax lagu wareeray ku sheegtay in QM aaney qaadin tillaabooyin la xiriira wareysiga dadka dhibanayasha ah.

Dhinaca kale, dalka Kenya ayaa inkiray in ay jiraan ciidamo Kenyaan ah oo aan ka tirsaneen AMISOM oo ku sugan gudaha Soomaaliya sida ku qoran warbixinta UN-ka, arrintaas waxaa lagu sheegay qoraal uu QM u diray safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo , isaga oo soo jeediyay in qeybtaas warbixinta laga tirtiro.

Safiirka Kenya intaasi kuma ekaanin, ee waxaa uu warbixinta QM midoobey ku sheegay mid dabada ka riixaya ajendaha iyo qorshaha Al-shabaab iyo kooxaha argigixisada ah kuwaas oo howlgalka AMISOM mar walba dadka u xumeeyo.

Sida ku qoran warbixinta Qaramada Midoobey waxaa jira waxyeelo loo geystay illaa 42 qof oo Soomaali ah(36 dil, 6 dhaawac ah) halka AMISOM ay dileen 4 rayid ah iyaga oo dhaawac u geystay 5 kale.

Qaramada Midoobey waxaa ay qoraalka ku sheegtay in ay baareyso in diyaaraha helicopters-ka ay duulayeen waqtiga dhibaatada dhaceysay iyo in kale.

Goobjoog News, waxaa ay xiriir la sameysay UNSOM, Laakin wax jawaab ah ma helin.

Warbixintan oo lagu sheegay  waxyeello soo gaartay illaa 4,585 oo rayid ah ayaa la la soo bandhigay December 10, oo ku began maalinta caalamiga ee xuquuqul insaanka

Goobjoog News