U bood dhigaalka

Kala Bar iskuulaadka Ingiriiska oo u Diyaargaroobaya Kordhinta Cufka Ardayga ee Gudaha Fasalka

Sheeko:War

Kala bar iskuulaadka dalka Ingiriiska ayaa u diyaargaroobaya kordhinta cufnaanta ardayda ee gudaha fasalka, sabab lagu sheegay miisaaniyadda waxbarashao ee dalkaas oo in muddo ah iska dhinta sidii hore.

Cufnaanta fasalka ee ardayga ayaa ahayd 30 arday oo kaliya fasalkii, iyadoo hadda  la filayo in tirada ardayda gudaha fasalka ay sodon ka bataan.

Arrinkan ayaa hoggaamiye-yaasha waxbarashada ku haysa walwal farabadan, iyadoo arrintani ay cadaadis xoog leh ku keeni karto mucallimiinta iyo ardayda, saameynna ay ku yeelan karto natiijada imtixaanka, gaar ahaan dugsiyada sare, iyo waliba ardayda jaamacadaha ku biireysa.

Ururka naqaabada macallimiinta Ingrisiika ayaa yiri; “Miisaaniyadda waxbarashada ee la koobay  waxay ka dhigan tahay in ay yaraadaan macallimiintii iyo shaqaalihii waxbarasho, kuwaas oo garab dheeraad ah u ahaa ardayda iyo xiriirkii iskuulaadka iyo culumada cilmi nafsiga barbaarinta oo soo koobmaya”.

Si kasta, marka aad eegto iskuulaadka dalkeenna Soomaaliya, ayaa waxaad dareemaysaa cufnaanta ardayga heerka uu gaarsiisan yahay, taas oo meelaha qaar 70 arday fasalkii ay wax ku bartaan, cufnaanta xad dhaafka ah ee gudaha fasalka ayaa saameyn ku yeelata fahamka ardayga iyo helitaanka aqoon tayo leh.

Goobjoog News