U bood dhigaalka

Kalfadhiga Koowaad Ee Baarlamaanka Oo La soo Gabagabeeyay

Sheeko:Baarlamaanka

Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa uu maanta yeeshay kulanka 11aad kalfadhigiisa 1aad, waxaa uu ahaa kulankii ugu dambeeyay kalfadhiga 1aad.

Ajendaha waxaa uu ahaa:

  1. Dhageysiga warbixinta guddiga gurmadka abaaraha
  2. Dhageysiga warbixinta guddiga maaliyadda, lacagihii la jaray iyo tala soo jeedin
  3. Dhageysiga warbixinta guddiyada difaaca, arrimaha gudaha iyo amniga i
  4. Qeybinta habraaca soo diyaarinta warbixinta deegaan doorasho

Golaha Shacabka guddigiisa difaaca, arrimaha gudaha iyo amniga waxaa uu sheegay in uu la kulmay wasiirka koowaad, arrintii ay Xildhibaannada mooshinka ka keeneen waxba iskama badalin oo sideedii ayaa loo soo celiyay inta badan, waxaa cusbaa oo keliya in ciidamada xoogga dalka laga dhigay afar, dhulka, badda, cirka iyo difaaca cirka.

Sidoo kale, Golaha shacabka waxaa loo qeybiyay  diyaarinta booqashada deegaan doorashooyin fasaxa kalfadhiga koowaad.

Waxaa laga hadlay qaabka su’aalaha, ujeedada laga leeyahay booqashada, kaalinta dowladda hoose, kaalinta wasaaradaha, walaaca ammaanka.

Xildhibaannada waxaa la siiyay shax ay tahay in ay soo buuxiyaan sida: goobta safarka, taariikhda safarka, dadka ka qeybgalay kulanka, goobaha ay ka yimaadeen ka qeybgalayaasha, ajendaha kulanka, go’aamada, soo jeedimaha iyo magaca xildhibaanka safarka aadey.

Waxaa Kaloo Loo Sheegay:

Xildhibaannada waxaa loo sheegay in 15 cisho ay la soo joogaan deegaanka ay matalaan

In ay qabtaan kulamo guud oo bulshada ah

In ay bulshada kala hadlaan hor-u-marka midnimada qaran iyo dib-u-heshiisiinta

In ay kala tashtaan baahida deegaanka

In golaha u soo gudbiyaan warbixin qoraal ah.

Waxaa kaloo jiray warbixinta ku saabsan guddiga gurmadka, waxaa baarlamaan iyo Dhageysiga warbixinta guddiga maaliyadda, lacagihii la jaray iyo tala soo jeedin oo horay golaha uga hadlay

Goobjoog News