U bood dhigaalka

Kalfadhiga Labaad Ee Golaha Shacabka Oo Maanta Furmaya

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa inuu furmo Kalfadhiga Labaad ee golaha shacabka, kadib fasax ay ku maqnaayeen xilhibaannada.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa la filayaa sida sharciga ah in uu furo Kalfadhigan.

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa horyaalla shaqooyin badan, waxaana la filayaa kalfadhigan inta uu socod iney waxbadan ku qabtaan.

Xildhibaannada golaha shacabka ayaa warbixinno jeedin doona, maadaama intooda badan ay booqasho ku tageen deegaannada laga soo doortey.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News