U bood dhigaalka

Kenya Oo Duqeysay Ceel-waaq Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Warar ay Goobjoog News ka heshay Ceel-waaq ayaa sheegaya in saaka aroortii ay ciidamada Kenya duqeeyeen gudaha magaalada Ceel-waaq.

Duqeyntaas ayaa lagu bartilmaameedsaday guryo iyo anteenno ay halkaasi ku laheyd shirkadda isgaarsiinta Hormuud.

Ceel-waaq waxaa uu ku sugan ciidamada dowladda, lamana oga sababta ay Kenyaan u bar-tilmaameedsadaan, laakin dadka deegaanka waxaa ay sheegayaan in Kenyaanka ay marar badan sheegeen in Ceel-waaq laga soo abaabulo weerarada gudaha Kenya.

Wararka arrintan ku saabsan, kala soco, Goobjoog News