U bood dhigaalka

Kenya Oo Maanta Madaxweyne Dooraneysa

Sheeko:Dalka

Dadka Kenyaanka ayaa saaka u dareeray goobaha cod bixinta, doorasho ay ku tartamayaan labada murashax ee Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga.

Dalka Kenya waxaa ka dhaceysa doorashada guud ee  13aad, waxaana lagu wadaa in labada murashax natiijadooda aad isugu dhawaadaan.

Guddiga doorashada IEBC waxaa ay shaqo siiyeen illaa 360,000 sarkaal, waxaa ay doorashada ka dhaceysaa 40,833 oo goobo cod bixin.

Raila Odinga waxaa uu ku doodaa in laga dhacey doorashadii 2007 iyo 2003, laakin doorashadan waxaa uu sheegay in uu ugu diyaar garoobay si ka duwan sidii hore.

Arrimaha doorashada kala soco, Goobjoog News