U bood dhigaalka

K/galbeed: AMISOM Uma Joogaan Oo Kaliya La Dagaalanka Al-shabaab (Maqal)

Sheeko:Dalka

Maamulka K/galbeed ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo aanu u joogin kaliya la dagaalanka Al-shabaab, balse ay ka qeybqaateen qeybaha kale ee bulshada.

Maxamed Xasan Fiqi, ku simaha madaxweynaha K/galbeed ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay waxbadan u qabteen shacab ku dhibaateysan deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

Waxa uu tilmaamay in kaalin ay ka qaateen gurmadkii abaaraha, qodista ceelasha iyo sidoo kale daweynta dadka xanuunsan.

“Waxaan jeclahay oo kaliya inaan qiro oo halkaan aan ka sheego in ciidamada AMISOM aanay kaliya halkaan u joogin la dagaalanka cadowga Al-shabaab, balse ay ka qeybqaateen qeybaha kale ee kala duwan ee bulshada sida horey loo sheegay, haddii ay noqon lahayd abaarihii dhacay qeybtii ay ka qaateen oo ah raashiin, dawo iyo dhaqaatiir intaba iyo haddii ay noqon lahayd ceelal la qodi rabo” ayuu yiri Fiqi.

Dalka waxaa ku sugan ciidamo badan oo AMISOM ah, waxaana ay ciidankan ka caawiyaan dowladda Federaalka la dagaalanka Al-shabaab.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News