U bood dhigaalka

K/galbeed: Doorashada Aqalka Hoose Oo Lasoo Gabagabeynayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay lagu soo Gabagabeeyo doorashada aqalka hoose, xubnihii kusoo aadey beelaha dega gobollada Koonfur Galbeed.

Waxaa maanta la dooran doonaa 2 kursi oo ka harsan 69 kursi ee deegaannada K/galbeed kaga soo aadey aqalka hoose.

Xubno ka socda beesha caalamka, guddiga doorashada iyo mas’uuliyiin Koonfur Galbeed ka tirsan ayaa la filayaa in ay goob joog ka ahaadaan dhameystirka doorashadan.

Maamulka Jubbaland ayaa Todobaakii tagey waxay soo Gabagabeyeen doorashada xildhibaannada aqalka hoose, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed noqon doono haddii Labada kursi ee hartay doortaan maamulkii Labaad ee dhameeya doorashooyinka aqalka hoose.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News