U bood dhigaalka

K/galbeed: Shaqo Abuur Loo Sameynayo Dhallinyarada Kasoo Laabatey Qaxootiga Kenya

Sheeko:Dalka

Wasaaradda shaqada iyo shaqaaalaha ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay  in ay waddo dedaallo ay shaqo abuur ugu sameynayso dhallinyarada kasoo jeeda  qoysaskii  kasoo laabtey xerada Dhadhaab ee wadanka Kenya .

Jeylaani Sheekh Maxamed, wasiirka shaqada iyo shaqaalaha  Koonfur Galbeed oo u warramay Goobjoog News  ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya Ha’ayadaha la shaqeey ee deegaanadooda jooga ay ka wada hadleen in shaqo abuur loo sameeyo  dhallinyarada wax baratay ee barakaca ah si loo gaaro hiigsiga ah in dhallinyarada shaqooyin helaan.

Wasiirka ayaa sheegay iney tiro koob ay ku sameeyeen dhallinyarada  shaqo la’aanta ah ee deegaanadooda , waxa uuna rajo wanaagsan  ka muujiyey in dhallinyarada ay wasaaraddu ay hagi doonto.

“Waasaaraddu waxay ku jirtaa dedaal badan oo ah sidii ay shaqo ugu abuuri lahayd dhallinta Soomaaliyeed ee kasoo laabanaya Xeryaha Qaxootiga Kenya”

Dhanka kale Wasiir Jeylaani ayaa sheegay in Dhallinyarada Koonfur Galbeed ee ka baxay Jaamacadaha qudhooda loo sameyn doono shaqo abuur.

Waxaa jirta dhallinyaro badan oo wax kusoo baratay xeryahay qaxootiga ee Kenya, kuwaasi oo kusoo laabtey deegaannada Koonfur Galbeed, una baahan shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan.

Goobjoog News