U bood dhigaalka

K/galbeed: Wasiir Sheegay Iney Garab Siin Doonaan Mukhtaar Roobow

Sheeko:Dalka

Wasiirka amniga maamulka K/galbeed Xasan Xuseen Maxamed ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay ka barbar dagaallami doonaan Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo weeraro kala kulmaya Al-shabaab.

Wasiirka oo hoggaaminayey saraakiil ciidan oo tagay meel ku dhow deegaanka Abal oo ay ku sugan dagaalyahannada Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in ciidanka K/galbeed ay taageeri doonaan Sheekh Roobow.

Dhanka kale, wasiir Xasan ayaa tilmaamay in maamulka K/galbeed uu mar walbo diyaar u yahay inuu muujiyo garab istaagga Mukhtaar Roobow  maadaama uu weeraro kala kulmayo Al-shabaab.

Ciidamada K/galbeed ayaa ku baxay deegaanka Abal Labo cisho kahor, kadib markii ciidamada Al-shabaab ay weeraro dhowr jiho ku qaadeen Sheekh Muhktaar Roobow.

Mukhtaar Roobow ayaa laga saaray liiska dadka dowladda Maraykanka ay doon dooneyso islamarkaana la dul dhigay malaayiin doolarka maraykanka ah, wixii ka dambeeyay ka saarista liiskaasina wuxuu Abuu Mansuur duulaan kala kulmay dagaalyahannada Al-shabaab.

Goobjoog News