U bood dhigaalka

K/galbeed: Xildhibaanno Ka Digey Mooshin Laga Keeno Shariif Xasan

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, waxay kaga digeen mooshin xilligaan laga keeno madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxay xildhibaannadan sheegeen in Shariif Xasan u dhiman tahay Sanad oo kaliya, ayna muhiim tahay in sanadkaan loo daayo, maadaama qofka yimaada xitaa aanu mudadaasi wax ku qaban karin.

Mudanayaashan waxay sheegeen in haddii la rido Shariif Xasan ay bilow u noqon doonto qalalaasye aan waligeed dhammaan, taasi oo lugaha la galo maamulka K/galbeed.

Xildhibaan Xasan Black oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka K/galbeed ayaa sheegay in xildhibaannada mooshinka wada ay sidoo kale doonayaan burburka maamulkaasi.

“Shariif Xasan waxaaba u dhiman Labo Sano, waxaa la leeyahay Hal sano ayaan wax rideynaa, ninka hadda rabo inuu wax rido muxuu sanad ku qaban karaa, waxaan qabnaa in Halkaan sano la sugo, kadibna ninkii doono is soo sharaxo” ayuu yiri xildhibaanka.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka K/galbeed ayaa sheegay iney doonayaan in mooshin lagu ridayo madaxweyne Shariif Xasan u gudbiyaan guddoonka sare ee baarlamaanka maamulkaasi.

Goobjoog News