U bood dhigaalka

Khaatumo: Awood Qeybsi Oo Kaliya Ayaan Kula Midoobeynaa Somaliland

Sheeko:Dalka

Maamulka Khaatumo ayaa sheegay in ay la midoobi doonaan maamulka Somaliland, haddii ay helaan hal arrin oo muhiim u ah ku biiristooda maamulkaasi.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi Maxamuud Sheekh Cumar ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog waxa uu ku sheegay in haddii beelaha Somaliland si siman loogu qeybiyo xukunka ay diyaar u yihiin iney ku biiraan maamulkaasi.

Wuxuu sheegay in sababta keentay in wadahadal sidan ah la furaan Somaliland ay tahay kadib markii xaqii ay lahaayeen ka waayeen gobollada kale ee Soomaaliya.

“Waan ku biiri donnaa Somaliland haddii saami qeybsiga xukuumadda loo simo beelaha, tan kale annaga muddo badan baan halgan wadnay, Federaalkiina namuusan aqoonsan, dadka Khaatumo waa ay waayeen xuquuqdii ay lahaayeen, gargaar la siiyo malahan, sidaasi darteed waxaa qasab ah inaan shacabkeenna u daneyno, midda kale annaga Somaliland sidey hadda ku dhisan tahay kulama midoobi doonno, ee isbedal baan rabnaa” ayuu yiri Maxamuud Sheekh Cumar.

Maamullada Khaatumo iyo Somaliland waxaa u socda wadahadal ay ku doonayaan in Labada dhinac ay ku midoobaan sida ku cad heshiis dhowaan ay ku kala saxiixdeen magaalada Hargeysa.

Goobjoog News