U bood dhigaalka

Khaatumo Oo Ka Digtey Carqalad Lagu Sameeyo Wada Hadallada Ay Kula Jiraan Somaliland

Sheeko:Dalka

Maamulka Khaatumo State ayaa ka hadlay wada hadallada ay kula jiraan maamulka Somaliland iyo wax ka jira sax ahaanshiyaha wararka sheegaya iney ku biirayaan maamulka Somaliland.

Wasiirka warfaafinta maamulka Khaatumo Axmed Xaaji Cali Cabdullaahi oo wareysi siiyey Goobjoog News waxa uu sheegay in illaa hadda aanu jirin go’aan isku biiris ah, balse wada hadallada diiradda lagu saaray arrimaha xilligaan muhiimka ah.

Waxa uu sheegay wasiirka in dadka sheegaya in Khaatumo ay ku biireyso Somaliland ay tahay dad doonaya iney carqaladeeyaan wada hadallada socda.

“Waan ogahay dadka wararkaasi faafinaya kuwo doonaya iney naga hordhacaan, annaga weli meeshaa maanu gaarin, xilliga la isku biirayo waa marka la is fahmo, la wada hadlo kadib, balse dadka wararkaan sheegaya waa kuwo fashilinaya wada hadalkeenna, balse waxaan leeyahay ha sugeen inta wada hadallada ay ka miro dhalayaan” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale wasiirka warfaafinta Khaatumo oo hadlkiisa sii watey ayaa sheegay in guusha laga gaarey wada hadalladii ka dhacay Addis Ababa ay kamid tahay in marka hore Labada dhinac oo markoodii hore is aqoonsaneen isku aqoonsadaan Somaliland iyo Khaatumo, shirka soo socda ee bisha February ka dhici doona Addis Ababana looga hadli doono arrimaha masiiriga ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annaga iyo Somaliland markii ismaan aqoonsaneen, hadana waad u jeeddaa cid walbana magaceeda in loogu yeerayo, waana horumar la gaaray, wada hadallada weli waa ay socdaan waxaana midka xiga yeelan donnaa February, marka wax walbo dib bay kasoo cadaan doonaan”

Maamullada Somaliland iyo Khaatumo ayaa wada hadallo waxay ku yeesheen dalka Itoobiya, waxaana jiray bilowgii December 2016 heshiis ka kooban 11 qodob oo ay gaareen Labadan maamul.

Goobjoog News