U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Madaafiic Maanta Ku soo Dhacday Degmada Warta Nabadda Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa madaafiic maanta kusoo dhacday xaafado ka tirsan degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqisho, kuwaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa ku geeriyootey duqeyntaasi, iyadoo ay ku dhaawacmeen 4 kale sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka.

Madaafiicdan ayaa ahaa Hoobiyeyaal, waxayna tiro ahaan gaarayeen 5, iyadoo badi ay ku dhaceen meel dad shacab ay ku sugnaayeen.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaaa halkaasi ka daabulay dadkii dhaawaca ahaa, iyadoo weli duqeyntan aanay wax war ah ka bixin saraakiisha amniga ee gobolka Banaadir.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News