U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Gaarigii Shacabka Saarnaa Ee Miinada Kula Qaraxday Inta u Dhaxeysa Afgooye Iyo Balcad

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax Miino oo maanta barqadii ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada Shabellaha Hoose iyo Shabellaha Dhexe.

Gaari nooca loo yaqaan Homey oo ay saarnaayeen haween ganacsato ah ayaa la xaqiijiyey in miinadan oo dhulka ku aasneyd ay ku qaraxday, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho u badan.

Goob jooge ayaa inoo sheegay in halkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof, iyadoo ay jiraan dad gubtay iyo sidoo kale xubnaha qaar kamid ah dadkii gaaarigaasi saarnaa oo laga soo qaaday meello aan ka fogeyn halka qaraxa uu ka dhacay.

Maamulka degmada Balcad ayaa sheegay iney tagi doonaan deegaanka Daniga oo qaraxan uu ka dhacay, waxaana deegaankaasi uu 11-km u jiraa degmada Balcad.

Gaariga Miinada ay ku qaraxday ayaa kasoo ambabaxay sida la sheegay degmada Afgooye, wuxuuna ku wajahnaa degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News