U bood dhigaalka

Khasaaraha Ka Dhashay Qaraxii Saldhigga Waaberi Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Ismiidaamin ah, loona adeegsaday gaari walxo qarxa laga soo buuxiyey oo maanta lagu qaaday saldhigga degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 5 ruux ayaaa ku geeriyootey qaraxan, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 10, sida ay sheegeen saraakiil u hadashay laamaha amniga gobolka Banaadir.

Dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badan shacab marayey nawaaxiga saldhigga Waaberi xilliga qaraxa uu dhacayey.

Afhayeenka wasaaradda amniga Axmed Carab oo saxaafadda kula hadlay halka qaraxa uu ka dhacay ayaa xaqiijiyey khasaaraha ka dhashay qaraxan.

Qaraxan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa noqonaya midkii Saddexaad oo Bishan Ramadan gudaheed ka dhaca magaalada, waxaana dhanka kale uu noqonayaa midkii Labaad oo Todobaad gudahiis ka dhaca Muqdisho.

20-kii bishan qarax Ismiidaamin ah walibana loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa ka dhacay xarunta degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed isugu jira.

Ciidamada xasilinta caasimadda ayaa adkeeyay amniga Muqdisho, waxay baaraan gaari walba oo isticmaalaya waddooyinka muhiimka ah ee magaalada, hadana waxaa is weydiintu tahay halka uu soo maray gaarigan isku qarxiyey saldhigga degmada Waaberi.

Goobjoog News