U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Dagaal Beeleed Maanta Ka Dhacay Deegaan Ka Tirsan Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay Labo beel ayaa maanta mar kale waxa uu ka dhacay Tuulada Jameeca Misre ee gobolka Shabellaha dhexe, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Cali Cabdulle, gudoomiyaha tuuladii lagu dagaallamay ayaa u sheegay Goobjoog News in ugu yaraan Labo ruux ay halkaasi ku dhimatay iyadoo dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in dagaalkan uu yimid xilli ay socotay waan waan lagu xallinayey dagaal beeleedkan oo Bil kahor ka bilowday Tuuladaasi.

“Dhimashada waa Labo, dhaawacna waa uu jiraa, dagaalka mar kale ayuu maanta dhacay, weli dhibaateynta dadka shacabka ah waa ay iska socotaa, mana jirto xal hadda muuqdo oo arrintaan lagu daminayo” ayuu yiri guddoomiyaha.

Maamulka gobolka Shabellaha dhexe iyo Hirshabelle weli kama aanay hadal dagaalkan dib uga soo cusboonaaday gobolkaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News