U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Dagaal Degmada Dayniile Ku Dhexmaraya Labo Ciidan

Sheeko:Dalka

Wararka aanu ka heleyno agagaarka Haanta-dheer ama Kabka ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu muddo saacado ah ka socdo dagaal u dhaxeeya sida la sheegayo ciidamo ka wada tirsan dowladda.

Ciidamada Xasilinta ayaa weerar ku qaaday goobo ay deganaayeen maleeshiyaad hubeysan oo horay u sheegay in ay ka tirsan yihiin Militariga Soomaaliya balse aan hoos-tagin Xasilinta.

Ciidamada dambe oo horay warbaahinta ula hadlay ayaa sheegay in loo dan-leeyahay in hubkooda lala wareego, arrintaasi oo ka madax adeegeen, Goobjoog News ma xaqiijin karto run iyo been sheegashadooda.

Dadka deegaanka oo la hadlay Goobjoog waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu isku badalayo mid qabiil, oo ay arkeen Tikniko beeleed dagaalka dartiis uga timid Shabeellada hoose.

Inta la og yahay hal qof ayaa ku dhintay, 4 kalana waa ku dhaawacantay dagaalka.

Wixii warar ah oo arrinkaas ku saabsan, Kala soco, Goobjoog News