U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Dagaal Ka Dhacay Shabellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay Tuulada Sabuun oo kamid ah Tuulooyinka hoostaga degmada Jowhar ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa weerar ku qaadey ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, kuwaasi oo ku sugnaa tuuladaasi, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku geeriyooday askari ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kale halkaasi ku dhaawacmeen 3 qof kale oo dhinacyadii dagaallamayey ah.

Xaaladda Tuulada Sabuun ee lagu dagaallamay haatan waa mid deggan, welina ma jirto wax war ah oo dagaalkaasi kasoo saareen dhinacyadii dagaallamay.

Al-shabaab ayaa sidan oo kale marar badan waxay weerar ugu qaadeen fariisin ay ciidamada dowladda Federaalka ku leeyihiin deegaanno kamid ah gobolka Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News