U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Shil Ka Dhacay Degmada Warta Nabadda Ee Muqdisho

Sheeko:Caafimaadka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa shil khasaare geystay oo goor dhow ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Siinaay gaar ahaan dhanka degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Mooto kuwa Seddexda lug leh (Bajaaj) ayaa dhanka gadaal uga dhacday gaari nooca dadweynaha ah (Homey) kaasi oo ku jeeday dhanka Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Labo qof oo saarnaa Mootada uuna ku jiro darawalkii mootadaasi ayaa ku dhaawacmay halkaa, waxaana sidoo kale burbru xooggan uu soo gaaray mooto Bajaajta.

Dad ku dhow halka ay wax ka dhaceen ayaa u sheegay Goobjoog News, in mootada ay si xoli ah ku socotay, islamarkaana darwalkii uu si lama filaan ah uga geeyay gaariga Hoomeyda ah oo meel laamiga dhinaciisa ah dad ka qaadayey.

Dadkii dhaawacmay ayaa loo qaaday xarun caafimaad, walo uu dhaawac daran soo gaaray qofkii ay u kireysneyd mootada.

Goobjoog News