U bood dhigaalka

Khasaare Ka Dhashay Shil Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa shil khasaare geystay oo maanta ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan halka loo yaqaan suuqa Badarka.

Gaari la sheegay inuu ahaa nooca xamuulka qaada ayaa ku fariin goostay halkaasi, waxaana la sheegay inuu jiiray Labo qof oo goobta ka dhowaa,  mid kamid ahna halkaasi ayuu ku dhintey.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaari uu dhanka gadaal usoo fariin goostay, dadka waxyeellada soo gaartayna ay meesha fadhiyeen.

Qofkii dhaawaca ahaa ayaa loola cararay xarun caafimaad, iyadoo aanay jirin cid dowladda ah, ama maamulka degmada ah oo goobtaasi gaaray.

Goobjoog News