U bood dhigaalka

Kheyre: Miyaanay Taariikh Ahayn Madaxweynaha Iyo Ra’iisul Wasaaraha Oo Aan Is Dagaalin Sideed Bilood Oo Wada Shaqeyn Socotay”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in taariikh cusub ay tahay madaxweynaha iyo isaga oo wada shaqeeyay wax ka badan Sideed Bil in weli howsha ay ku socoto buuq la’aan is qabqabsi la’aan iyo wixii lamid ah.

Wuxuu tilmaamay Ra’iisul wasaaraha in dalka Rajo aad u wanaagsan leeyahay, islamarkaana muhiim ay tahay in loo wada istaago dib u dhiskiisa iyo ka shaqeynta amniga.

Si gaarah wuxuu ula hadlay Ra’iisul wasaare Kheyre dhallinyarada Soomaaliyeed  oo uu sheegay in fursadda kaliya ee dalka uu haysto iyaga yihiin.

“Bilawga madaxweyne iyo Ra’iisul wasaare wada shaqeeyay Sideed bilood ka badan iyadoo maalin la idiin sheegin wey is dagaalsan yihiin miyaanay taariikh ahayn ka duwan tii ka horreysay, waxa uu leeyahay wadanka rajo weyn, rajada weyn ee uu leeyahay waxay tahay in idinku (Dhallinyarada) aad soo jeedsateen” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaaraha oo hadla ka jeedinayey kulan xalay ka dhacay Muqdisho, looguna magac daray kacdoonka Nabadda ayaa sheegay in xukuumaddiisa mudadii yareed ee ay jirtay ay wax badan qabatay, haatanna diyaar u yihiin in dalka wax badan u qabtaan.

Mudadii ay jirtay dowladda uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo ayuu sheegay Ra’iisul wasaaraha in Soomaaliya aan loo soo raacan deyn haba yaraatee.

Goobjoog News